Ciidan gadoodsan oo galabta xiray waddo gasha Villa Somalia

Ciidan dhawaan loo tababaray Hay'adda Nabad Suggida & Sirdoonka Qaranka (NISA) ayaa galabta xiray mid ka mid ah wadooyinka halbowlaha u ah isu socodka Villa Somalia.

Wariye-yaasha Magaalada Muqdisho oo gaaray halkaasi ayaa soo warinaya in ciidankaasi ay hakad geliyeen isu socodkii gaadiidka ee wadadaasi.

Ciidanka oo tiradooda ku sheegay 90 askari ayaa sheegay in tan iyo 1-dii bishii June ay ku sugnaayeen Garoonka Diyaaradaha ee Degmada Dayniile, mudadaasina aysan jirin wax mushaaraad ah oo la siiyay.

Waxay sheegeen inaanay muddo saddex bilood ah helin mushaaraadkii ay xaqa ugu lahaayeen Dowladda Federaalka, taasina ay tahay midda horseeday inay wadada xiraan.

Dhanka kale Saraakiisha Ciidamada Dowladda ayaa waxay wadaan dadaalo lagu doonayo in halkaasi looga kaxeeyo ciidanka gadoodsan.

Ciidamada Dowladda ayaa xilliyada qaarkood xira wadooyinka Magaalada Muqdisho, iyagoo markaasi ka cabanaya mushaar la'aan.

Faallooyin