Shariif Xasan: Madaxweyne keliya dalka ma maamuli karo

Shariif Xasan Sheekh Aadan, Gudoomiye Kuxigeenka Madasha Xisbiyada Qaran ayaa maanta markale weerar afka ah ku qaaday Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Shariif Xasan Sheekh Aadan, Madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed ayaa Madaxweyne Farmaajo ku eedeeyay inuu ku tuntay dastuurka uu dalku leeyahay.

Shariif Xasan oo la hadlay BBC ayaa yiri "Anaga aragtideena waxa waaye dalka Somaliya dhibaatooyin badanuu soo maray, laakiin waayadii dambe dowlad ayaa Ilaahay na siiyay, dowladda ayadoo dowlad baarlamaanteeriya ah oo dastuur iyo xeerar leh. Marka Madaxweynaha wax buu leeyahay, Gudoomiyaha Baarlamaanka wax buu leeyahay, Ra'iisal Wasaaruhuna wax buu leeyaha, sidaasi darteed in sharciga la ilaaliyo oo dalku Madaxweyne keliya ma maamuli karo."

"Ra'iisal Wasaarihii oo dhacay oo Baarlamaankii ansixiyay shalay ka qaaday, hadana in Xukuumaddii oo shaqeyneyso la yiraahdo, oo guddiyo ay magacaabaan, sharciyana soo gudbiyaan wax sharcigeenu qabo maaha."

"Anaga waxay nala tahay in Ra'iisal Wasaare la magacaabo, Xukuumadda la dhiso, Baarlamaanku ansixiyo maalmaba haka dhin-naatee, sidii uu sharcigu ahaa. Dowladdu waa dowlad baarlamaanteeriya oo Ra'iisal Wasaare iyo Madaxweyne leh. Marka Madaxweynaha door buu leeyahay, Ra'iisal Wasaaruhu door buu leeyahay, Baarlamaankana door buu leeyahay, dalkana in dastuur lagu maamulaa rabnaa. Anaga in shakhsi maamulo ma u aragno inay xaq tahay ama inay sax tahay. Marka in sidaas guddiyo lagu magacaabo, xeerar la soo saaro oo waxbaa la ansixiyay la yiraahdo, waxaan u aragnaa in dastuurkii meel looga dhacay, dowladnimadana meel looga dhacay."

"30 maalmood ka badan Ra'iisal Wasaare la'aan dalku ma ahaan karo, wixii dastuurkan laga waayana kii lixdankii ayaa loo noqonayaa, kii lixdankii ayayna ku qorantahay. Madaxweynaha markii la doortay asagaa afkiisa ku sheegay 30 maalmood baan lahaa, 16 maalmood ayaana ku soo magacaabay isagoo leh Ra'iisal Wasaarihii uu soo magacaabay. Markaa waa arrin iska cad, laakiin sidaan rabaa yeelaa ama la jiifiyaa bannaan meel ay ku taalo ma jirto."

Faallooyin