Askari dilay nin ganacsade ahaa oo gacanta lagu soo dhigay

Booliska Gobolka Mudug ee Qaybta Puntland ayaa xaqiijiyay in gacanta lagu soo dhigay nin askari ahaa, oo Magaalada Gaalkacyo ku dilay ganacsade lagu magacaabi jiray Cabdullaahi Daahir Aadan.

Ciidamada Booliska oo xilligaa ku baxay soo qabashada askarigaasi ayaa iska caabin ugala horyimid Ciidamada Booliska, taasoo sababtay geerida laba qof oo kale, gudaha Magaalada Gaalkacyo.

Muumin Cabdi Shire, Taliyaha Booliska ee Gobolka Mudug oo maanta Warbaahinta kula hadlay Magaalada Gaalkacyo ayaa xaqiijiyay in gacanta lagu soo dhigay askarigaasi.

Taliyaha ayaa tilmaamay in ninkaasi laga soo qabtay deegaanka Shakaal, oo hoos-tagga Degmada Jariban ee Gobolka Mudug.

Taliyaha ayaa xusay in ninkaasi la horgayn doono sharciga, si cadaaladda loo waafajiyo falka uu gaystay.

Faallooyin