Guuleed oo la kulmay Safiirka Sweden ee Somaliya (SAWIRRO)

Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), Sii Hayaha Xafiiska Ra'iisal Wasaaraha Somaliya ayaa maanta Magaalada Muqdisho kula kulmay Danjiraha Sweden ee Somaliya, Amb. Staffan Tillander.

Labada dhinac ayaa kulanka kaga wadahadlay horumarinta dhaqan-dhaqaale ee dalka iyo qaababka lagu gaari karo horumar waara, oo Somaliya ay hesho.

Sii Hayaha Ra'iisal Wasaaraha oo qoraal kaga hadlay waxa kulanka looga hadlay ayaa yiri "Waxaan maanta wadahadal wax ku ool ah la yeeshay Safiirka Sweden ee Somaliya, Danjire Staffan Tillander."

"Waxaan ka wadahadalnay horumarka dhaqan-dhaqaale iyo qaababka lagu gaari karo horumar waara oo Somaliya ay hesho."

"Dowladda Sweden waa mid wax ku biirisa, muhiimna u ah horumarka Qarankeena."

Faallooyin