Maxkamadda Ciidamada oo xukuntay nin isu soo dhiibay dowladda

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa waxay maanta xukuntay nin horey isugu soo dhiibay Dowladda Federaalka, ka dib markii uu sheegay inuu ka soo goystay Ururka Al Shabaab.

Farxaan Maxamuud Xasan ayaa horaan isugu soo dhiibay Ciidamada Dowladda ee ku sugan Degmada Beled Beled Xaawo ee Gobolka Gedo, waxaase la soo cadeeyay inuu weli la shaqeynayay Ururka Al Shabaab.

Ciidanka Dharcad ayaa ogaaday inuu ninkaasi farriimo la wadaagayay maleeshiada Al Shabaab, maxkamadana la horkeenay cadaymo iyo qiraal arrintaasi ku aadan.

Xeer Ilaaliyada Guud ee Maxkamadda Ciidamada, Korneyl Cabdullaahi Buule Kamey ayaa Maxkamadda ka hor sheegay in Farxaan Maxamuud Xasan uu weli ka tirsanaa maleeshiyada Al Shabaab, isla-markaana uu yahay waxa uu ugu yeeray (Laba Wajiile).

Korneyl Xasan Cali Nuur (Shuute), Gudoomiyaha Maxkamadda Darajada 1aad ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa ku dhawaaqay xukun xabsi daa'in ah, oo ninkaasi lagu xukumay.

Faallooyin