Gudoomiye Mursal oo la kulmay Waare iyo Lafta-gareen

Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, Gudoomiyaha Golaha shacabka ee Baarlamaanka Somaliya ayaa hoygiisa ku qaabilay Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada Hirshabelle iyo Koofur Galbeed, Maxamed Cadi Waare, Cabdicasiis Xasan Maxamed (lafta-gareen).

Kulankan ayaa waxay dhinacyada si dhow uga wadahadleen arrimaha doorashooyinka ee dalka, taasoo aad mooddo in khilaaf badani hareeyay.

Sidoo kale dhinacyada ayaa si ka wadahadlay habraaca marxaladda kala guurka, iyadoo laga foggaanayo muddo kororsi, inkastoo aanay muuqan in doorasho ku qabsoomi karto waqtigii loogu talagalay.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka bilowday kulamo gooni gooni ah, ka dib markii ay soo ifbaxeen wararka sheegaya in qodobada qaar ee Shirka Villa Somalia ka socdaa, ay isu mari la'yihiin Madaxda Dowladda Federaalka iyo kuwa Dowlad Goboleedyada qaarkood.

Shirka ayay ahayd in Talaadadii shalay la soo geba-gaboobo, lagana soo saaro Warmurtiyeed.

Faallooyin