Nin lagu eedeynayo kufsigii Muqdisho ka dhacay oo lagu qabtay Cadaado

Ciidanka Booliska ee ka hawlgala Magaalada Cadaado ayaa saqdii dhexe ee xalay gacanta ku soo dhigay nin lala xiriirinayo ku lug lahaanshaha kufsigii iyo dilkii maalintii Jimcaha ka dhacay Magaalada Muqdisho.

Xamdi Maxamed Ibraahim oo 19 jir ahayd ayaa lagu kufsaday dhisme la sheegay inuu ku yaalo Degmada Waaberi, iyadoo falkaasi ka dibna la sheegay in isla dhismahaasi laga soo tuuray.

General Zakiya Xuseen, Taliye Kuxigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa xaqiijisay in ninkaasi laga soo qabtay guri ku yaala Magaalada Cadaado, oo dhuumaaleysi ahaan uu u joogay.

Eedeysanaha ayaa waxaa lagu Maxamed Ibraahim Cismaan, waa 24 jir ku dhashay Magaalada Muqdisho.

General Zakiya Xuseen oo u mahadcelineysay shacabka Cadaado ayaa tiri “Waxaan u mahadcelineynaa shacabka Galmudug oo Ciidanka Booliska ku gacan siiyay soo qabashada eedeeysane Maxamed Ibraahim Cismaan oo baxsad ahaa.”

Waxaa soo badanaya dadka maalinba maalinta ka dambeysa loo soo qabanayo dhacdadaasi, oo argagax badani ku beertay bulshada Soomaaliyeed.

Faallooyin