Qodobka ugu weyn ee la'isku hayo Shirka Magaalada Muqdisho

Shirka Magaalada Muqdisho uga socda Madaxweynaha Dowladda Federaalka, Madaxda Dowlad Goboleedyada iyo Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa maalintiisii 3aad galay.

Shirkan oo Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu ka furay Aqalka Villa Somalia ayaa waxaa ka qaybgalaya Madaxweyne-yaasha Dowlad Goboleedyada Puntland, Galmudug, Hirshabelle, Jubbaland, Koonfur Galbeed iyo Gudoomiyaha Gobolka Banaadir.

Shirka ayaa waxaa diiradda lagu saaraya arrimo la xiriira doorashooyinka lagu wado inay dalka ka dhacaan 2020/21, waxaana jira qodobo la'isku hayo.

Qodobka ugu weyn ee la'isku hayo ayaa ah cidda maamuleysa doorashooyinka, xilli Warmurtiyeedka Shirkii Dhuusamareeb 3 uu ku xusan yahay in Guddiga Doorashooyinka Qaranka ay tahay in looga dambeeyo arrimahaasi.

Madaxda Dowlad Goboleedyada qaarkood ayaa dalbanaya in ay wada hawlgalaan Guddiyadooda Doorashada iyo kan Qaranka, ha yeeshee waxaa ka biyo diidan Madaxweynaha Dowladda Federaalka iyo Madaxda Dowlad Goboleedyada qaarkood.

Gelinka dambe ee maanta ayaa la fillaya in la soo geba-gabeeyo shirka, lagana soo saaro Warmurtiyeed, waxaase suurtagal ah inuu dib uga dhaco.

Faallooyin