Lafta-gareen oo la kulmay Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka

Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen), Madaxweynaha Dowlada Koonfur Galbeed ayaa hoyga uu ka degan yahay Muqdisho kulan kula qaatay Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, Generaal Odawaa Yuusuf Raage, oo booqasho ugu yimid.

Madaxweynaha ayaa warbixin ku saabsan amniga iyo guulaha laga gaaray dagaalka Al Shabaab ka dhageystay Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka. Taliyaha ayaa sheegay in Al Shabaab jab xoogan lagu gaarsiiyay hawlgaladii ka socday qaybo ka mid ah Gobolada Koonfur Galbeed.

Taliyaha ayaa sidoo kale xusay in Ciidanka Xoogga ay wadaan, sidii guud ahaan dalka looga sifeyn lahaa maleeshiyada Shabaabka, dhawaana ay bilaabi doonaan furidda wadooyinka iyo xoreynta goobaha ay kaga harsan yihiin deegaanada Koonfur Galbeed .

Madaxweyne Lafta-gareen ayaa General Odawaa uga mahadceliyay booqashada uu ugu yimid, isagoona boggaadiyay hawlgalada ay dalka ka wadaan Ciidanka Xoogga Dalka, gaar ahaan deegaanada Koonfur Galbeed.

Faallooyin