Qoorqoor iyo Deni oo caawa ku kulmay Magaalada Muqdisho

Madaxweyne-yaasha Galmudug iyo Puntland, Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) iyo Siciid Cabdullaahi Deni ayaa caawa ku kulmay Magaalada Muqdisho.

Ma cadda waxyaabaha ay labada dhinac kulanka kaga wadahadleen, ha yeeshee qoraal ka soo baxay Madaxtooyada Galmudug ayaa lagu sheegay in kulanka uu ka dhacay hoyga Madaxweyne Qoorqoor ka deganyahay Magaalada Muqdisho.

"Madaxweynaha Dowladda Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) ayaa hoyga uu Muqdisho ka deganyahay caawa ku casuumay Madaxweynaha Dowladda Puntland, Saciid Cabdullahi Deni." Ayaa lagu yiri qoraalka.

Qoraal kale oo lagu daabacay barta Madaxtooyada Puntland ku leedahay Facebook ayaa lagu yiri "Madaxweynaha Dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa caawa kulan la qaatay Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor)."

Kulankan ayaa qayb ka ah kulamada gooni goonida, ee ay Madaxda Dowlad Goboleedyada ka wadaan Caasimadda Muqdisho.

Faallooyin