Dadweyne ku hor bannaanbaxay hotelkii lagu kufsaday Xamdi Maxamed

Bulshada ku dhaqan Magaalada Muqdisho ayaa maanta isu soo bax ka dhigtay afaafka hore hotelkii maalin ka hor lagu kufsaday, lagana soo tuuray Xamdi Maxamed Faarax.

Bannaanbaxayaasha oo isugu jiray ehelada gabadha iyo dadweyne kale oo ka carooday arxandaraddii lagula kacay gabadhaasi ayaa taayeero ku horgubay hotelkaasi.

Wariye-yaasha ayaa soo sheegaya in dadkaasi ay dhegxaan ku tuurayeen hotelkaasi, oo ku yaala xaafadda 1da Maajo ee Degmada Waaberi.

Allaha u naxariistee Xamdi Maxamed Faarax ayaa kufsiga ka dib la sheegay in laga soo tuuray dhismaha hotelkaasi.

Qaar ka mid ah haweenkii ka dhiidhiyay falkaasi oo la hadlay Warbaahinta ayaa Dowladda Federaalka ka dalbaday inay cadaalad hesho Xamdi Maxamed.

Jawaahir Maxamuud Jaamac (Jawaahir Baarqab), Gudoomiyaha Ururka Haweenka ee Gobolka Banaadir ayaa sheegtay inaanay har iyo habeen seexan doonin, illaa iyo inta sharciga laga horkeynayo kuwii falkaasi ka dambeeyay.

Kufsiga iyo dilka ee loo gaystay gabadhaasi ayaa taabtay dareenka bulshada ku dhaqan Caasimadda Muqdisho.

Faallooyin