Silvia Romano oo xubin looga dhigay urur la dagaalama Islaam naceybka

Silvia Romano ayaa xubin looga dhigay urur loo hawlgeliyay inuu ka shaqeeyo la dagaalanka Islaam naceybka, ka dib markii ay hanjaabo la kulantay, wixii ka dambeeyay markii ay qaadatay Diinta Islaamka.

Silvia Romano iyo sideed dhalinyaro oo kale oo degan Magaalada Milan ee dalka Talyaaniga ayaa loo wakiishay inay ka shaqeeyan ka hortagga Islaam naceybka, iyadoona ay maalgelin doonaan Talyaaniga iyo Midowga Yurub.



Silvia waa gabadhii dalka Talyaaniga u dhalatay ee mudada labada sano ku dhow afduub ahaanta u haysteen maleeshiyada Al Shabaab.

Gabadhan oo la baxday Caa'isha ayaa bishii May ee sanadkan dib u heshay xoriyadeeda, ka dib markii Ururka Al Shabaab la sheegay in si shuruud la'aan ahi ku sii daayay.

Faallooyin