Qoorqoor oo dib ugu laabtay Magaalada Muqdisho (SAWIRRO)

Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa galabta dib ugu soo laabtay Magaalada Muqdisho.

Wafdiga Madaxweynaha Galmudug ayaa hal toddobaad soo joogay Magaalada Istanbul ee dalka Turkiga, halkaasoo uu sheegay in safar shaqo uu u tagay.

Madaxweynaha Galmudug ayaa Magaalada Muqdisho kula shiray qaar ka mid ah Guddiga Farsamada ee ka baaraan-deggida hannaanka iyo habsami-u-scodka doorashooyinka dalka.

Madaxweyne Qoorqoor ayaa lagu wadaa inuu u amba-baxo Magaalada Dhuusamareeb, halkaasoo la fillayo in Sabtida uu ka furmo Shirka Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada.

Faallooyin