Faah faahin: Dagaal dad badani ku dhinteen oo ka dhacay Gobolka mudug

Waxay faah faahin ka soo baxeysaa dagaal culus oo saakay ka dhacay tuulada Shabeellow, oo hoos-tagga deegaanka Bacaadweyn ee Gobolka Mudug.

Dagaalka ayaa ka dambeeyay, ka dib markii maleeshiyo ka tirsan Al Shabaab ay weerareen dadka ku dhaqan tuuladaasi, oo ka soo horjeestay inay macaamilaan.

Wararka ayaa sheegaya in maleeshiyada Al Shabaab ay muddo kooban la wareegeen gacan ku haynta tuuladaasi, balse gurmad gaaray ayaa dib uga saaray.

Gudoomiyaha deegaanka Bacaadweyn, Axmed Daahir Macalin ayaa Shabaabka ku eedeeyay inay saakay weerar ku qaadeen dad rayid ah, isla-markaana ay iska caabiyeen.

Gudoomiyaha oo la hadlay BBC ayaa xaqiijiyay in laba iyo toban qof ku dhimatay dagaalkaasi, kuwaa oo shan ka mida ay yihiin Shabaabkii weerarka soo qaaday, shan rayid ah iyo laba wiil oo dhalinyaro ah, kana mid ahaa dadkii deegaanka ee la dagaalamayay.

Maleeshiyaad deegaanka ah oo dib iska soo abaabulay iyo Shabaabkii dib uga baxay tuulada Shabeellow ayaa markale galabta isku fara-saaray inta u dhaxeyso deegaanada Bacaadweyn iyo Caad, gaar ahaan halka lagu magacaabo Ceel Cabdi.

Ciidanka Kumaandooska Danab oo gelinkii dambe ee maanta ka yimid dhinaca Magaalada Gaalkacyo ayaa ku biiray dagaalka ka soconaya Ceel Cabdi, waxayna Shabaabka u muuqdaan kuwo dib u guranaya.

La soco wixii ku soo kordha.

Faallooyin