Maareeye: Siyaasiyiinta Somaliland uma khalmaan xilalka ay ka hayaan dowladda

Sii Hayaha Wasiirka Warfaafinta Somaliland, Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa saluug ka muujiyay xilalka ay Dowladda Federaalka ka hayaan Siyaasiyiinta Somaliland ka soo jeeda.

Wasiirka ayaa waxa uu sheegay inaanay Siyaasiyiinta reer Somaliland u khalmin xilalka ay haataan ka hayaan Dowladda Federaalka, balse ay ku sugayaan oo keliya in midnimo lagu gaaro.

Wasiirka ayaa ka dhawaajiyay inay doonayaan in ay dalka ka qabtaan xafiisyada ugu sareeya, sida kan Madaxweynaha iyo midka Ra'iisal Wasaaraha.

“Waxa aan ku fadhino maaha wax noo khalma, waxa aan dooneynaa in reer Somaliland hellaan xilalka ay u khalmaan, sida Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaraha." Ayuu yiri Wasiirka

Wasiirka oo wareysi gaar ahi siiyay Dalsantv ayaa intaa ku daray "Balse waxaan waa wax aan ku sugeyno in lala midoobo Somaliland."

Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) oo deegaan ahaan ka soo jeeda Somaliland ayaa iminka ku magacaaban Kusimaha Xafiiska Ra'iisal Wasaaraha, ka dib markii Xildhibaanada Golaha Shacabka ay kalsoonida kala laabteen Ra'iisal Wasaarihii Xukuumadda, Xasan Cali Khayre, 25-kii bishii hore ee Luulyo.

Faallooyin