Qoorqoor iyo Guuleed oo kulan gaar ah ku yeeshay Istanbul

Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor), Madaxweynaha Galmudug iyo Madaxweynihii hore ee maamulkaasi, Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa xalay kulan gaar ahi ku yeeshay Magaalada Istanbul.

Madaxweynaha Galmudug iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa toddobaadkii hore gaaray Magaalada Istanbul. Madaxweynaha ayaa xilligaa sheegay in safar shaqo uu u tagayo dalkaasi Turkiga.

Cabdikariin Xuseen Guuleed, Madaxweynihii hore ee Galmudug ayaa sheegay in ay Madaxweynaha Galmudug ka wadahadleen xaaladihii ugu dambeeyay ee dalka.

"Waxaan Magaaladda Istanbul ku kulanay Madaxweyne Axmed Qoorqoor, waxaana ka wadahadalnay xaaladihii ugu dambeeyay ee dalka iyo arrimaha hortabinta leh." Ayuu yiri Cabdikariin Xuseen Guuleed.

Waxa kaloo uu sheegay in Madaxweynaha Galmudug uu ku boggaadiyay shaqada adag ee uu Galmudug ka qabtay, billooyinka kooban ee uu xilka ku magacaaban yahay.

"Sidoo kale Madaxweyne Qoorqoor waxaan ku boggaadiyay hawlihii uu mudada kooban ka qabtay Deegaanada Galmudug." Ayuu yiri Guuleed oo warkan ku sheegay qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka.

Kulankan ayaa ku soo aadaya, iyadoo Madaxweyne Qoorqoor uu u ololeynayo in Ra'iisal Wasaaraha cusub uu ka yimaado Galmudug, Guuleed-na uu ka mid yahay xubnaha lala xiriirinayo xilkaasi.

Faallooyin