Deni oo magacaabay Taliyaha Ilaalada Madaxtooyada Puntland

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Xeer Madaxweyne Lr. 51 August 10, 2020 ku magacaabay Taliyaha Ciidanka Madaxtooyada iyo Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Nugaal.


Madaxweynaha Puntland

Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad.

Markuu arkay: Baahida loo qabo Dar-dar gelinta iyo xoojinta hawlaha Amniga.

Markuu arkay: Aqoontooda, kartidooda iyo waayo-aragnimadooda Ciidanimo.


Wuxuu xeeriyey:


1. Waxaa G/sare Cabdiqaadir Jaamac Dirir loo Magacaabay Taliyaha Ciidanka Ilaalada Madaxtooyada Puntland

2. Waxaa G/sare Maxamed Aadan Jaamac loo Magacaabay Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Nugaal.

*Xeerkani waxaa uu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay.

DHAMMAAD.

Faallooyin