Somaliland oo ganaax lacageed ku riday Universaltv

Somaliland ayaa maanta ganaax lacageed ku riday Telefishinka Universal ee xaruntiisa Magaalada Hargeysa, ka dib markii Ciidanka Booliska Somaliland  ay xoog kula wareegeen xaruntaasi 27-kii bishii June ee sanadkan.

Ciidanka Booliska ayaa xilligaa Xarunta Universaltv la wareegay, iyagoo aan maxkamadi ka wadan warqad ogolaansho ah, oo ay albaabada isugu laabi karaan, ganaaxaana waa mid ay go'aankiisu gaartay Wasaaradda Warfaafinta Somaliland.

Qoraal ka soo baxay Wasaaradda Warfaafinta Somaliland, isla-markaana uu ku saxiixnaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Mukhtaar Maxamed Cali ayaa lagu sheegay in Universaltv lagu ganaaxay shan iyo toban kun oo lacagta Mareykanka ah ($15,000).

Sidoo kale warqadda waxaa ku xusan in Telefishinka Star ee fadhigiisu yahay Magaalada Hargeysa lagu ganaaxay shan kun oo dollarka Mareykanka ah ($5,000).

Labada telefishinba waxaa lagu wargeliyay inay u soo diyaargaroobaan heshiis cusub, oo ay la galaan Wasaaradda Warfaafinta Somaliland.

Warqadda kuma cadda waxa keenay in ganaaxaasi lagu rido xarumahan warbaahineed ee ku yaala Magaalada Hargeysa.

Faallooyin