Cosoble oo sheegay in wadada Muqdisho iyo Jowhar u xiran tahay arrimo siyaasadeed

Madaxweynihii hore ee Maamulka Hirshabelle, Cali Cabdullaahi Cosoble ayaa sheegay in wadada xiriirisa Magaalooyinka Muqdisho iyo Jowhar ay u xiran tahay arrimo siyaasadeed.

Wadadaan ayaa waxaa muddooyinkii ugu dambeysay ku soo badanayay weerarada ay ka gaysanayaan maleeshiyada Al Shabaab, iyadoo masuuliyiina lagu dilay.

Cali Cabdullaahi Cosoble oo u waramay VOA ayaa yiri "Waqtigaan joogay Xildhibaanada waqtiga ay doonaan ayay horey iyo gadaalba u socdeen, haddii ay doonaan inay barnaamij iyo wax dhaqaajiyaan, waqtigii ay doonaan ayaga oo Xamar buuxa inta ay isa soo daba kacaan ayay Jowhar aadi jireen."

"Hadda waxay noqotayba inay Xildhibaanadii xaniban yihiin, illaa la helo diyaarad uu markaasi Madaxweynaha ama Madaxweyne Kuxigeenka soo kireysto, oo illaa kontomeeyo Xildhibaano qaaddo, oo saas lagu qaado, ayadoo la ogyahay weliba Xildhibaanada la qaadayo iyo waxa ay u socdaan."

"Arrimahaas waxay hadda kuu muujinayaan dabcan siyaasad ahaan Xildhibaanadii naftooda in la xakameeyo inay ka mid tahay sababta wadada loo dayacayba. Hadda Xamar ayay Xildhibaanadii dhooban yihiin."

Hadalka Cosoble ayaa xoojinaya eedeymaha in dhawaalaba loo joojinayay Madaxweynaha Hirshabelle, Maxamed Cabdi Waare ee la xiriiray in shaqadii maamulka uu ka dhigay mid gaabis ah.

Faallooyin