Cabdiraxmaan Mucaawiye oo loo magacaabay Xoghayaha Joogtada ee Xafiiska R/W

Kusimaha Xafiiska Ra'iisal Wasaaraha Somaliya, Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa Cabdiraxmaan Mucaawiye Sheekh Ibraahim si ku-meel-gaar ahi ugu magacaabay Xoghayaha Joogtada ee Xafiiska Ra'iisal Wasaaraha.

Cabdiraxmaan Mucaawiye Sheekh Ibraahim ayaa bedelaya Cabdirisaaq Xuseen Aadan oo toddobaadkii hore loo magacaabay inuu noqdo Xoghayaha Joogtada ee Xafiiska Ra'iisal Wasaaraha.

Qoraal ka soo baxay Xafiiska Kusimaha Ra'iisal Wasaaraha, Mahdi Maxamed Guuleed ayaa lagu shaaciyay magacaabidda Cabdiraxmaan Mucaawiye.

"Waxaan Cabdiraxmaan Mucaawiye Sheekh Ibraahim u magacaabay in si KMG ah uu u haayo xilka xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha. Waxuu bedelaya Cabdirisaaq Xuseen Aadan oo si KMG ah horey ugu hayay xilkaan." Ayaa lagu yiri qoraalka.

Talaadadii ayay ahayd markii uu Cabdirisaaq Xuseen Aadan xilka kala wareegay Axmednuur Maxamed Cabdi, Xoghayihii Joogtada ee Xafiiska Ra'iisal Wasaare Xasan Cali Khayre.

Faallooyin