Nadar Tabaax Maalin oo loo magacaabay Duqa Beledweyne

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha & Dowladaha Hoose ee Hirshabelle, Maxamed Cali Caadle ayaa is bedel ku sameeyay Maamulkii Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

Wasiirka ayaa wareegto uu soo saaray xilka uga xayuubiyay Duqii Magaalada Beledweyne, Safiya Xasan Sheekh Cali Jimcaale, isagoona bedelkeeda u soo magacaabay Nadar Tabaax Maalin.

Wareegtada ayaa waxaa ku xusan in laamaha amniga iyo shacabkuba ay la shaqeeyaan Duqa cusub ee loo magacaabay Beledweyne.

Safiya Xasan Sheekh Cali Jimcaale ayaa waxaa xilka loo magacaabay 27-kii bishii May ee sanadkii hore, iyadoona xilka soo heysay muddo 14 bilood ah.

Faallooyin