Cali Dheere oo ka hadlay ridistii Xukuumadda Xasan Cali Khayre

Cali Maxamuud Raage (Cali Dheere), Afhayeenka Guud ee Ururka Al Shabaab ayaa ka hadlay toddobaad ka dib kalsooni kala noqoshadii Xukuumadda Xasan Cali Khayre.

Xildhibanaada Golaha Shacabka ayaa 25-kii bishii Luulyo kalsoonida kala noqday Xukuumaddii Ra'iisal Wasaare Xasan Cali Khayre, sida uu ku dhawaaqay Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, Gudoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Somaliya.

Warbaahinta ku hadasha afka Ururka Al Shabaab oo sii deysay cod maqal ah oo Cali Dheere uu kaga hadlayay xaaladda dalka ayuu ku soo hadalqaaday ridistii Golaha Xukuumadda.

Cali Dheere ayaa sheegay in markii horeba ay Madaxda Qaranka ku heshiiyeen la dagaalanka Diinta Alle, ha yeeshee ay natiijadeedu noqotay inay ku kala irdhoobaan uun, sida uu yiri.

“La dagaalanka Diinta Allaah oo ay heshiis ku ahaayeen kama dheefin wax aan is khilaaf iyo kala carar ahayn. Wax badan bulshada u sheegayeen dad dalkooda u daneynaya maanta waxay la soo baxeen wajigooda dhabta ahaa, waana la daawanayaa sida midba midka kale u eedeynayo inuu danihiisa gaarka fushanaya." Ayuu yiri Cali Dheere.

Cali Dheere ayaa yiri "Badankood baasaboor shisheeye ayay wataan, nin walba tikidkii uu ku dhoofi lahaa jeebka ayuu ku heystaa si uu dib ugu laabto halkii uu ka yimid.”

Faallooyin