Deegaanada Soomaalida oo maanta si isu mida looga wada ciidaayo

Deegaanada Soomaalida ayaa maalinta 1aad ee Ciidul Adxaa waxaa looga ciidayaa si isu mida, waxayna dadku yihiin kuwo ku faraxsan u dabaaldegga Ciidda.

Dadka ayaa Salaadda Ciidda siyaabooyin kala duwan ugu tukaday Masaajidda iyo fagaare-yaashaba, oo lagu arkaayay kumanaan qof oo u soo baxay inay Salaadda oogaan.

Wariye-yaasha ayaa soo sheegaya in bulshada ku dhaqan magaalooyinka waaweyn ee deegaanada Soomaalida ay muujinayaan farxadda Ciidda Carafo.

Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya ayaa xalay umadda Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabadda Ciidul Adxaa.

Ciidaha sanadkan ayaa ku soo aaday, iyadoo uu caalamkii kala xiray cudursidaha COVID-19 ee Coronavirus uu keeno

Ciidaan Carafo ayaa ka duwan Ciidul Fitrigii hore, marka aad eegto inaanay ciidaan wax saamayn ahi ku yeelan awaamiirtii horaan lagu xakameynayay COVID-19.

Faallooyin