Madaxweyne Qoorqoor oo la kulmay Safiirka Qatar ee Somaliya (SAWIRRO)

Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) ayaa galabta hoyga uu ka degan yahay Magaalada Muqdisho waxaa uu ku qaabilay Safiirka Qatar ee Somaliya, Hassan bin Hamza.

Safiirka ayaa Madaxweynaha Galmudug ugu yimid salaan iyo inay iska wareystaan xaaladda ku soo korortay dalka, ka dib kalsooni kala noqoshadii Golaha Shacabka ee Xukuumaddii Ra'iisal Wasaare Xasan Cali Khayre.

Madaxweyne Qoorqoor ayaa Magaalada Muqdisho ka wada kulamo gooni gooni ah, tan iyo markii uu Isniintii soo gaaray.

Madaxweyne Qoorqoor ayaa la fillayaa mudada uu ku sugan yahay Magaalada Muqdisho inuu kula kulmo Madaxweynaha Qaranka, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Faallooyin