Xasan Sheekh: Waxba iskama bedelin mowqifkii Madasha Xisbiyada Qaran

Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxweynihii hore ee Somaliya ayaa faah faahin ka bixiyay kulankii habeenkii Talaadada Magaalada Muqdisho ku dhex maray Madasha Xisbiyada Qaran iyo Guddoonka Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Somaliya.

Ka dib kulankaasi ayaa waxaa soo baxay warar leesla dhex maraayay oo sheegayay in Guddoonka Golaha Shacabka uu Madaxda Madasha Xisbiyada Qaran u soo bandhigay soo jeedin ay kaga wadeen Madaxweyne Farmaajo, kuna aadaneyd in Ra'iisal Wasaaraha uu ka yimaado Madasha Xisbiyada Qaran.

Xasan Sheekh Maxamuud oo arrimahaasi ka hadlayay ayaana yiri "Waxaan rabaa inaan faah faahiyo kulankii dhawaan ay Madashu la yeelatay Guddoonka Golaha Shacabka, kaas oo dad badan ay ii soo weydiyeen siyaabo kala duwan. walaalayaal waxaan rabaa inaan idin xaqiijiyo in aysan jirin wax fariin ah oo uu noo siday Guddoonka Golaha Shacabka, anaguna aanan u dhiibin wax fariin ah."

“Guddoonka Golaha Shacabku Madaxda Qaranka ayay ka mid yihiin, Madaxduna wey kulmi karaan weyna wadatashan karaan, balse ma jrin wax gaar ah oo anaga iyo Guddoonku aaN u kulanay, sababtoo ah horEy ayaan sidaan oo kale ugu kulmi jirnay."

"Waxaan rabnaa in dalkan ay ka dhacdo doorasho waqtigeeda ku dhacda heshiisna lagu yahay, waxaana aaminsanhay in la gaari karo haddii talooyinka aan soo jeedineyno la raaco."

Ugu dambeen Xasan Sheekh ayaa boggaadiyay wadahadaladii 22-kii bishan lagu soo geba-gabeeyay Magaalada Dhuusamareeb, waxaana uu ku baaqay in la ballaariyo gogosha wadahadalada, si isu aragti looga noqdo arrimaha doorashooyinka ee dalka.

Faallooyin