Cabdi Cali Raage oo noqonaya La taliyaha Madaxweyne Farmaajo ee arrimaha doorashooyinka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Cabdi Cali Raage u magacaabay inuu noqdo La taliyihiisa gaarka ah ee arrimaha doorashooyinka ee dalka.

Cabdi Cali Raage ayaa horey uga soo shaqeeyay arrimihii doorashooyinka ee Maamulka Jubbaland iyo doorashadii bilowgii sanadkii 2017-kii ka dhacday Magaalada Muqdisho.

Dadka aqoonta u leh Cabdi Cali Raage waxaa ay ku sheegaan mid waayo aragnimo in ku filan ka haysta arrimaha doorashooyinka, marka ay noqoto kuwooda dad-ban. Labadii doorasho ee ugu dambeysay, kana kala dhacay Magaalooyinka Muqdisho iyo Kismaayo ayaana ahaa kuwo dad-ban.

Sidoo kale Cabdi Cali ayaa waxaa si dhow loola xiriiriyaa Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), kaasoo la tilmaamo in saaxiibo dhow ay yihiin.

Wararka ayaa sheegaya in Madaxweyne Farmaajo uu u muuqdo mid ka tanaasulay doorasho qof iyo cod ah, isla-markaana uu diyaar u yahay in doorashada soo socoto ay noqoto mid dad-ban, bacdamaa waqtiga u haray dowladda uu yahay mid aad u yar.

Saaxiibada caalamiga ee Somaliya oo si weyn uga soo horjeeda muddo kororsi ayaana loo aaneynayaa mid Villa Somalia khasab kaga dhigtay in doorashada ku qabato waqtigeeda.

Faallooyin