Khayre oo galabta gaaray Magaalada Dhuusamareeb

Xasan Cali Khayre, Ra'iisal Wasaaraha Somaliya ayaa gelinkii dambe ee maanta gaaray Magaalada Dhuusamareeb, ka dib markii uu ka amba-baxay Magaalada Muqdisho.

Wafdiga Ra'iisal Wasaaraha Somaliya ayaa waxaa Garoonka Ugaas Nuur ee Magaalada Dhuusamareeb ku soo dhaweeyay Madaxweyne-yaasha Galmudug, Hirshabelle, Jubbaland iyo Koonfur Galbeed.

Wafdiga Ra'iisal Wasaaraha oo weli ku sugan Garoonka Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa goor dhow lagu wadaa in loo galbiyo Xarunta Madaxtooyada Galmudug.

Ra'iisal Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa xilligan Magaalada Dhuusamareeb u tagay, si uu uga jawaabo warmurtiyeedkii habeen hore laga soo saaray wejiga 1aad ee shirka Dhuusamareeb, ee ku aadanaa in Madaxda Qaranka ka soo qaybgalaan wejiga 2aad ee shirka Dhuusamareeb.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa isna maalmaha ina soo aadan lagu wadaa inuu gaaro Magaalada Dhuusamareeb.

Muddo toddobaad ah waxaa aad loo adkeeyay ammaanka Magaalada Dhuusamareeb, waxaana maanta aad loo xadiday dhaqdhaqaaqii dadka ee magaalada, xilli horey loo xadiday dhaqdhaqaaqii gawaarida dadweynaha iyo kuwa kale ee gaarka loo leeyahay.

Faallooyin