Diyaarad ku burburtay Garoonka Magaalada Beledweyne (SAWIRRO)

Diyaarad gargaar u siday Magaalada Beledweyne ayaa duhurnimadii maanta ku burburtay Garoonka Ugaas Khaliif Ugaas Rooble ee Magaalada Beledweyne.

Diyaaradan oo gargaarka ka soo qaaday dalka Jabuuti ayaa loogu talagalay in la gaarsiiyo dadkii ay saamaynta ku yeesheen fatahaadihii dhawaan ka dhacay Magaalada Beledweyne.

Burburka diyaaradda ayaa wuxuu ka dambeeyay, ka dib markii ay ka baxday dhabaha ay diyaaradaha ku cararaan, marka ay soo daggayaan iyo marka ay duulayaanba.

Diyaaradda ayaa waxaa ka kacay oo qabsaday dab xoogan, waxaana hawada isu shareeray qiiq xoog leh oo ka imaanaayay diyaaradaasi burburtay.

Waxaa lagu guuleystay in nolol lagu soo badbaadiyo saddex qof oo diyaaradaasi la socotay, sida uu xaqiijiyay Taliyaha Ciidanka Militariga Jabuuti ee Gobolka Hiiraan, Korneyl Cabdullaahi Muuse.

Taliyaha ayaa xusay in diyaaradda ay gebi ahaanba burburtay, isagoo intaa ku daray in la baaro doono waxa sababay burburka diyaaradaasi.

Diyaaradan ayaa ahayd nooca xamuulka, waxayna ka tagtay Magaalada Muqdisho, ka hor intii aysan gargaarka ka soo qaadin dalkaasi Jabuuti.

Faallooyin