4 carruur ah oo ku dhimatay dhisme ku soo dumay, duleedka Muqdisho

Wararka ka imaanaya deegaanka Garasbaaley ee duleedka Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in afar carruur ahi ay ku dhimatay darbi ku soo dumay, halka haweeney ka ag-dhaweyd goobtaasina ay ku dhaawacantay.

Dhismaha soo dumay oo ku dhex yaala xerada dadka barakacayaasha degan yihiin ee Malable ayaa la sheegay inuu ahaa dhisme hore, waxaana burburkiisa soo dedejiyay roobabka saacadihii la soo dhaafay ka da'aayay Magaalada Muqdisho.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in xilligii dhismaha uu soo dumaayay ay carruurta hoos jiiftay dhismahaasi. Inta la xaqiijiyayna waxaa ku dhimatay afar carruur ah oo saddex ka mida ay gabdho yihiin, kuwaa oo dhammaantood ehel ahaa.

Dadka barakacayaasha oo u gurmaday carruurtaasi ayaa meydadkooda ka soo hoos saaray burburka dhismaha.

Haweeneyda ku dhaawacantay dhacdadaasi ayaa ahayd hooyada mid ka mid ah carruurtii goobtaasi ku dhimatay.

Roobabkan ugu dambeeyay ee ka da'ay Magaalada Muqdisho ayaa saamayn ku yeeshay qoysaska danyarta ee ku dhaqan magaalada iyo nawaaxigeedaba.

Faallooyin