Wariye Gurbiye oo maanta la horkeenayo Maxkamadda Gobolka Banaadir

Wariye Cabdicasiis Axmed Gurbiye, Agaasime Kuxigeenka ahna Tafaftiraha Radio Goobjoog ee Magaalada Muqdisho ayaa maanta lagu wadaa in la horkeeno Maxkamadda Gobolka Banaadir.

Wariye Cabdicasiis Axmed Gurbiye ayaa waxaa loo haystaa eedeymo ku aadan faafin warar been abuur ah iyo aflagaaddo ka dhan ah hay'ad dowli ah.

Wariyaha oo bishii April lagu xiray Magaalada Muqdisho ayaa muddo ka dib lagu sii daayay damaanad, waxaase looga digay in mudada uu damaanadda xabsiga kaga maqan yahay aanu qorin karin faallooyinka xasaasiga ah.

Wariyaha oo 7-dii bishan la horkeenay Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa waxaa is hortaag ku sameeyay qareenada difaaceysa, ka dib markii ay ka hor yimaadeen in eedeyntiisa loo cuskado Xeer Ciqaabta Soomaaliyeed, iyagoona markaasi dalbaday in eedeyntiisa lagu saleeyo qodobka 29aad ee Xeerka Saxaafadda.

Abukaate Daahir Carab oo ka mid ah qareenada difaaceysa ninka Wariyaha ah ayaa sheegay inay Maxkamadda Gobolka Banaadir ka suggayaan go'aankeeda ku aadan, xeerka ay tahay in loo adeegsado eedeynta Wariye Cabdicasiis Axmed Gurbiye.

Ururada Saxaafadda ee dalka iyo hay'adaha caalamiga ee xuquuqda aadanaha ayaa dhalleeceeyay xariga iyo eedeynta ka dhanka ah Wariye Gurbiye.

Faallooyin