Madasha Xisbiyada oo soo dhaweysay warmurtiyeedkii shirka Dhuusamareeb

Madasha Xisbiyada Qaran ayaa soo dhaweysay warmurtiyeedkii laga soo saaray shirkii Madaxda Dowlad Goboleedyada ku yeesheen Magaalada Dhuusamareeb.

Bayaan ka soo baxay Xafiiska Madasha Xisbiyada Qaran ayaa lagu sheegay in Madasha Xisbiyada ay warmurtiyeedkaasi u aragto tallaabo horey loo qaaday.

Madasha Xisbiyada Qaran ayaa ku baaqday in gogosha shirka la ballaariyo, fursadna loo siiyo inay ka soo qaybgalaan Daneeye-yaasha Siyaasadda, sida Ururada Bulshada, Xisbiyada Siyaasadda iyo wixii lamid ah.

Faallooyin