Ra'iisal Wasaare Khayre oo maanta ku sii jeeda Magaalada Dhuusamareeb

Ra'iisal Wasaaraha Somaliya, Xasan Cali Khayre ayaa waxa uu maanta ku wajahan yahay Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Maamulka Galmudug.

Wafdi uu hoggaaminayo Ra'iisal Wasaaraha Somaliya ayaa maanta lagu wadaa inay ka amba-baxaan Garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho, iyagoo markaasi ku sii jeeda Magaalada Dhuusamareeb.

Qaban-qaabadii ugu dambeysay ee safarka wafdiga Ra'iisal Wasaaraha Somaliya ee Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxay saaka ka socotaa Xafiiskiisa Magaalada Muqdisho.

Sidoo kale Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa laga dareemayaa diyaargarow xoog lihi, oo ay tahay in lagu soo dhaweeyo wafdiga Ra'iisal Wasaare Xasan Cali Khayre.

Sida uu qorshuhu yahay Ra'iisal Wasaare Khayre ayaa Magaalada Dhuusamareeb kaga qaybgelaaya wejiga 2aad ee shirka Madaxda Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada xubnaha ka ah.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa isna la fillayaa in maalmaha ina soo aadan uu gaaro Magaalada Dhuusamareeb.

Madaxda Dowladda Federaalka ayaa ka jawaabaya warmurtiyeedkii habeen hore laga soo saaray shirka Dhuusamareeb, ee la xiriiray inay ka soo qaybgalaan wejiga 2aad ee shirka, oo lagu wado in looga hadlo arrimaha doorashooyinka.

Faallooyin