Dhuusamareeb oo lagu soo geba-gabeeyay shirkii Maamulada (SAWIRRO)

Waxaa xalay Magaalada Dhuusamareeb lagu soo geba-gabeeyay shirkii maalmahaanba uga socday Madaxda Dowlad Goboleedyada xubnaha ka ah Dowladda Federaalka.

Xaflad ballaaran oo lagu qabtay Xarunta Madaxtooyada Galmudug ayaa waxaa ka qaybgalay Madaxweyne-yaasha Maamul Goboleedyada, Wasiiro, Xildhibaano, Siyaasiyiin iyo qaybaha bulshada.

Shirka la soo geba-gabeeyay ayaa ah midkii wadatashiga, ee ay lahaayeen Madaxda Maamul Goboleedyada, waxaana maalmaha ina soo aadan ka furmi doono magaaladaasi shirka Madaxda Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada, kaasoo uu qorshuhu yahay in looga wada-hadlo arrimaha doorashooyinka ee dalka.

Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) oo madasha munaasabadda khudbad ka jeediyay ayaa u mahadceliyay Madaxda Dowlad Goboleedyada iyo bulshada reer Galmudug.

Madaxweynaha Galmudug ayaa Madaxweyne-yaasha kale waxaa uu ka codsaday in maalmo kale, ay sii jooggaan Magaalada Dhuusamareeb, si ay uga qaybgalaan wejiga 2aad ee shirka.

Madaxweyne Qoorqoor ayaa sidoo kale sheegay in Madaxda Dowladda Federaalka, ay ka soo qaybgeli doonaan wejiga 2aad ee shirka, inkastoo aysan cadayn goorta rasmiga ah ee shirkaasi uu furmi doono.

Dhammaanba Madaxweyne-yaasha Maamul Goboleedyada ayaa ku sii nagaan doono Magaalada Dhuusamareeb, marka laga reebo Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni oo deegaanada Puntland kaga qaybgelaaya aaska lagu wado in loogu sameeyo Ra'iisal Wasaarihii hore ee Somaliya, Xasan Abshir Faarax iyo Madaxweynihii hore ee Puntland, Maxamed Cabdi Xaashi, oo ku kala geeriyooday dalalka Turkiga iyo Kenya. Madaxweyne Deni ayaana aaska ka dib ku soo laaban doono Magaalada Dhuusamareeb.

Faallooyin