Xaaladihii ugu dambeeyay xanuunka COVID-19 ee dalka

Wasaaradda Caafimaadka Somaliya ayaa waxay faah faahisay xaaladihii ugu dambeeyay xanuunsidaha COVID-19, ee dalka laga diiwaangeliyay afar iyo labaatankii saac ee ugu dambeysay.

Wasaaradda Caafimaadka ayaa xaqiijisay in dalka laga diiwaangeliyay 13 xaaladood oo cusub, kuwaa 9 ka mida laga xaqiijiyay Somaliland, Puntland 3 iyo Gobolka Banaadir oo 1 xaalad laga helay.

Bukaanada cusub 10 ka mida waxaa weeye rag, halka 3-da kalana ay haween yihiin. Tani ayaa ka dhigeysa xaaladaha guud ee dalka laga diiwaangeliyay 3,072 xaaladood.

Sidoo kale afar iyo labaatankii saac ee ugu dambeysay ayaa waxaa xanuunka ka caafimaaday 37 qof, taasoo wadarta guud ee xanuunka ka bogsatay ka dhigeysa 1,343 qof.

Qoraal ay soo saartay Wasaaradda Caafimaadka ayaa lagu sheegay inaanan dalka laga diiwaangeliyay wax dhimasho ah saacadihii la soo dhaafay, inkastoo ay horey ugu geeriyoodeen 93 qof.

Xaaladaha xanuunsidaha COVID-19 ee Coronavirus uu keeno ee dalka ayaa muddooyinkii ugu dambeysay uu hoos u dhac weyn ku yimid, waxaana taasi bedelkeeda korodhay tirada maalinlaha ahi ee ka caafimaadeysa.

Faallooyin