General Odawaa oo ku goodiyay inay adduunka ka tirtiri doonaan argagixisada

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, General Odawaa Yuusuf Raage ayaa waxa uu ku hanjabay inay dalka ka sifeen doonaan kooxaha argagixisada, ka dib weerarkii ismiidaaminta ahaa, ee uu maanta ka badbaaday.

Gawaari uu la socday Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka ayaa maanta nin naftii hallige ahaa uu ku bartilmaameedsaday inta u dhaxeyso Isgoyska Tarabuunka iyo Isbitaalka Xoogga ee Magaalada Muqdisho.

Taliyaha ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay inay sii wadi dooanan la dagaalanka kooxaha argagxisada, ee caadeystay buu yiri daadinta dhiigga umadda Soomaaliyeed.

"Waxaan mar walba si hagar la'aan ah u wadi doonnaa la dagaalanka dhagarqabayaasha caadeystay daadinta dhiigga umadda Soomaaliyeed." Ayuu yiri Taliyaha.

Taliyaha ayaa qoraalka ku yiri "Ficilada xun xun ee ay adeegsanayaan ma hakin doonaan hawlaha aan dalka iyo dadka u heyno, Allaah xagiisa cadaabta ayay geli doonaan ficilada ay sameynayaan awgeed, adduunkana anaga ayaa ka dhammeen doono."

Weerarkan ayaa waxaa masuuliyadiisa sheegatay Al Shabaab, oo dagaal kula jirta Dowladda Federaalka iyo Ciidanka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee dalka ku sugan.

Faallooyin