Somaliya oo diiwaangelisay kiisas kale oo COVID-19 la xiriira

Wasaaradda Caafimaadka Somaliya ayaa ka warbixisay xaaladihii ugu dambeeyay COVID-19 ee dalka laga xaqiijiyay, afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay.

Wasaaradda Caafimaadka ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegtay in dalka laga diiwaangeliyay 13 xaaladood oo cusub, kuwaa oo intooda badan laga xaqiijiyay Gobolka Banaadir.

7 ka mida bukaanada cusub ayaa ku sugan Gobolka Banaadir, iyadoo 4 ku sugan yihiin Puntland, halka 2-da kalana laga diiwaangeliyay Somaliland.

Sida qoraalka lagu sheegay 9 ka mida bukaanada cusub waa rag, 4-na waa haween, waxayna wadarta guud ee xanuunka dalka laga diiwaangeliyay ka dhigeysaa 3,028 qof.

Sidoo kale qoraalka ayaa waxaa ku cad inay xanuunka ka bogsadeen 51 qof, taa oo tirada guud ee xanuunka ka bogsatay guud ahaan dalka oo dhan ka dhigeysa 1,147 qof.

Afar iyo labaatankii saac ee ugu dambeysay ayaa waxaan jirin xaalado dhimasho ah oo dalka laga diiwaangeliyay, waana maalintii afaraad oo xiriir ah, oo aan dalka laga soo warin xaalado dhimasho oo ka dhashay COVID-19, inkastoo ay horey ugu geeriyoodeen dad ay tiradoodu gaareyso 92 qof.

Faallooyin