Ciidanka Haramcad oo laga daad-gureeyay Magaalada Dhuusamareeb

Booliska sida gaarka ah u tababaran ee Haramcad ayaa maanta laga saaray Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Gobolka Galgaduud, iyadoona dib loogu celiyay Magaalada Muqdisho.

Ciidanka oo tiradoodu ay gaareysay 40 askari ayaa waxaa diyaarad looga qaaday Garoonka Ugaas Nuur ee Magaalada Dhuusamareeb, iyadoona ka dejisay Garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.

Ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo ayaa Universaltv u sheegay in horey loo sii qorsheeyay dib u celinta ciidanka, isla-markaan aynaan wax xiriir ahi la lahayn shirka maalinta berrito lagu wado in uu ka furmo Magaalada Dhuusamareeb.

Madaxweyne-yaasha Puntland, Galmudug, Hirshabelle, Koonfur Galbeed iyo Jubbaland ayaa Khamiista lagu wadaa in uu shir uga furmo Magaalada Dhuusamareeb, kaasoo socon doono dhawr maalmood, sida uu qorshuhu yahay.

Maxamed Cabdi Waare, Madaxweynaha Hirshabelle ayaa galabta gaaray Magaalada Dhuusamareeb, iyadoo berritana ay ku sii jeedaan Madaxda Jubbaland, Koonfur Galbeed iyo Puntland.

Madaxweyne Qoorqoor ayaa gogol wadahadal dhigay Magaalada Dhuusamareeb, ka dib markii uu guul-dareystay Shirkii Golaha Amniga Qaranka, ee Axadii lagu waday in uu ka furmo Caasimadda Muqdisho.

Faallooyin