Madasha Xisbiyada iyo Guddoonka Golaha Shacabka oo kulmay

Waxaa markale maanta Magaalada Muqdisho ku kulmay Hoggaanka Madasha Xisbiyada Qaran iyo Guddoonka Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Somaliya.

Kulanka oo ka dhacay hoyga uu Villa Hargeisa ka degan yahay Gudoomiyaha Golaha Shacabka, Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Gudoomiye Kuxigeenka 1aad ee Golaha Shacabka, Cabdiweli Sheekh Ibraahim Muudey, Gudoomiyaha Madasha Xisbiyada Qaran, Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxweynihii hore ee Somaliya.

Qoraal ka soo baxay Madasha Xisbiyada Qaran ayaa lagu sheegay in kulanka looga hadlay arrimo ay ka mid yihiin, sidii la isugu soo dhaweyn lahaa Labada Aqal ee Baarlamaanka Somaliya, oo muddooyinkan dambe uu khilaaf soo kala dhexgalay.

Qoraalka ayaa u qornaa:-

Gudoomiyaha Madasha Xisbiyada Qaran ahna Madaxweynihii hore ee dalka, mudane Sheekh Shariif Sheekh Ahmed iyo Madaxweynihii hore mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan daba socda shirkii maalin ka hor ay ku yeesheen Xarunta Madasha Xisbiyada Qaran waxay maanta la qaateen Gudoomiyaha Golaha Shacabka, mudane Maxamed Mursal iyo Gudoomiye Kuxigeenka koowaad ee Golaha shacabka, C/weli Sheekh Ibraahim Muudey.

Ujeedka kulanka ayaa ahaa in qodobadii laga wada hadlay la dardargeliyo, waxaana si gaar ah diiradda loo saaray sidii loo soo celin lahaa wada shaqeynta Labada Aqal ee Baarlamanka Somaliya, iyadoo warbixin laga dhageystay Madaxweynihii hore mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo shalay la soo kulmay Guddoomiyaha Aqalka Sare, mudane Cabdi Xaashi iyo Gudoomiye Kuxigeenka koowaad ee Aqalka Sare, Mudane Abshir Bukhaari.

Madasha Xisbiyada Qaran ayaa isku dayeysa inay kaalin ka qaadato dib u heshiisiinta hay’adaha qaar ee Dowladda Federaalka oo khilaaf uu hareeyey, waxaana socda dadaal ballaaran oo Madasha XQ ugu jirto in dib loo soo celiyo kalsoonidi iyo wada shaqeyntii ka dhaxeysay Labada Aqal ee Baarlamanka Somaliya.

Faallooyin