Waa maxay ajandaha shirka Magaalada Dhuusamareeb?

Wasiirka Warfaafinta Galmudug, Axmed Shire Falagle ayaa faah faahiyay ajandaha shirka maalinta berrito lagu wado in uu ka furmo Magaalada Dhuusamareeb.

Wasiirka Warfaafinta Galmudug ayaa iftiimiyay in ajandaha shirka uu yahay in looga wadahadlo xaaladda siyaasadeed ee dalka, iyadoo la wada socdo Dowladda Federaalka iyo Maamul Goboleedyadaba.

Wasiirka oo hadlayay ayaa yiri "Ajandaha shirka waxaa weeye, sidii Somaliya wejiga siyaasadeed ee hadda ay joogto Dowladda Federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah isaga arki lahaayeen qaabka loo wajahayo doorashooyinka, iyadoo si mideysan loo wada duulaayo Dowladda Federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah."

Waxa kaloo uu yiri "Marka ajandaha wuxuu u badnaan doonnaa in si wada-tashiya iyo aragti mideysan la'isku dayo in laga qaato, sidii la yeeli lahaa."

Wasiirka oo ka waramay mudada uu shirka socon doono ayaana yiri "Shirku wuxuu socon doonnaa saddex maalmood. Laba maalmood oo wadahadalka uu noqon doono iyo maalin soo dhaweyn ah. Marka la'isku daro illaa saddex maalmood ayaan ku talo jirnaa. Inuu ka yaraado oo laba maalmood noqdana waa macquul, in maalin kalana lagu sii darro waa macquul, maadaama uu yahay shir Soomaalida u gaara, oo aan hadda dad kale oo ajnabiya ku jirin. In aad la'isku xog wareysto waa u badnaan doontaa."

Khamiista berrito ayaa lagu wadaa in uu furmo shirka ay Magaalada Dhuusamareeb ku leeyihiin Madaxwene-yaasha Puntland, Galmudug, Hirshabelle, Koonfur Galbeed iyo Jubbaland.

Faallooyin