Midowga Yurub oo agab caafimaad ku wareejiyay Somaliya (SAWIRRO)

Midowga Yurub ayaa maanta agab caafimaad oo ay tahay in lagula dagaalamo xanuunsidaha COVID-19, ee Coronavirus uu keeno ku wareejiyay Wasiirka Caafimaadka Somaliya, Foosiya Abiikar Nuur.

Wakiilka Midowga Yurub ee Somaliya, Nicolas Berlanga Martinez iyo Safiirka Talyaaniga ee Somaliya, Amb. Alberto Vecchi ayaa deeqdaasi ku wareejiyay Wasiirka Caafimaadka, xilli uu goobjoog ka ahaa Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliya, Axmed Ciise Cawad.

Deeqdan oo ka kooban 42 tan ayaa isugu jirta dawo iyo qalab kaloo caafimaad, waxayna si gaara uga timid dalka Talyaaniga. Diyaarad kuwa xamuulka ah ayaana ka soo dejisay Garoonka Aadan Cadde.

Qoraal lagu daabacay barta Wasaaradda Caafimaadka ku leedahay Twitter-ka ayaana lagu yiri "Foosiya Abiikar ayaa kula wareegtay munaasabad ka dhacday Garoonka Aadan Cadde agab caafimaad, oo loogu talagalay ka hortagga COVID-19 oo ka timid Midowga Yurub. Foosiya Abiikar ayaa uga mahadcelisay Talyaaniga iyo Midowga Yurub garab istaagga iyo kaalmada la dagaalanka COVID-19."

Wakiilka Midowga Yurub ee Somaliya ayaa qoraal uu soo dhigay Twitter-kiisa waxaa uu isna ku yiri "Waa calaamadda midnimada Yurub, balse waa sidoo kale wicitaanka lagu joogteynayo dadaalada ka dhanka ah COVID-19 iyo xaaladaha kale ee deg-degga ah."

Alberto Vecchi, Safiirka Talyaaniga ee Somaliya oo Warbaahinta kula hadlay Garoonka Aadan Cadde ayaa tibaaxay in deeqdan ay tahay mid loo qorsheeyay in looga qayb qaato dagaalka lagula jiro cudursidaha COVID-19.

Faallooyin