Xaaladihii ugu dambeeyay COVID-19 ee dalka laga xaqiijiyay

Afar iyo labaatankii saac ee ugu dambeysay ayaa waxaa dalka laga diiwaangeliyay 36 xaaladood oo cusub, sida ay xaqiijisay Wasaaradda Caafimaadka Somaliya.

Wasaaradda Caafimaadka Somaliya ayaa sheegtay in xaaladahan cusub laga kala diiwaangeliyay Banaadir 12 xaaladood, Puntland 11, Somaliland 10 iyo  Jubbaland 3.

Wasaaradda Caafimaadka ayaa cadeysay in 31 ka mida bukaanada cusub ay lab yihiin, halka 5-ta kalana ay dhedig yihiin, waxayna tirada xanuunka laga helay ay gaartay 2,997 qof.

Sidoo kale Wasaaradda Caafimaadka waxay xaqiijisay in 41 bukaan ay ka bogsadeen xanuunsidaha COVID-19, ee uu keeno Coronavirus, waxayna wadarta guud ee ka bogsatay noqoneysaa 1,014 qof.

Ma jirto wax bukaan ah oo xanuunka COVID-19 ugu geeriyooday dalka, afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay, sida ay baahisay Wasaaradda Caafimaadka, inkastoo tirada guud ee dalka ugu dhimatay ay tahay 92 qof.

Wasaaradda Caafimaadka Somaliya ayaa maalin kasta soo saarto warbixin, ay uga hadleyso xaaladihii ugu dambeeyay xanuunka ee dalka, marka laga reebo maalinta Jimcaha.

Faallooyin