Madaxweyne-yaashii hore ee dalka oo kulan la leh Guddoonka G/shacabka

Madaxweyne-yaashii hore ee Somaliya, Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxay xilligan kulan la leeyihiin Guddoonka Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Somaliya.

Kulanka ayaa waxaa goobjoog ka ah Gudoomiyaha Golaha Shacabka, Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan iyo Gudoomiye Kuxigeenka 1aad ee Golaha Shacabka, Cabdiweli Sheekh Ibraahim Muudey.

Kulanka oo xilligan ka socdo Xarunta Madasha Xisbiyada Qaran ee Magaalada Muqdisho ayaa waxay labada dhinac kaga wada hadlayan xaaladda siyaasadeed ee dalka, oo ay ugu horeyso midda doorashada.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in kulankan uu yimid, ka dib markii Guddoonka Golaha Shacabka ay Madaxweyne-yaashii hore ka dalbadeen inay is arkaan, iyagoona markii dambe ku martiqaaday Xarunta Madasha Xisbiyada Qaran.

Wararka ayaa intaa ku daraya in Guddoonka Golaha Shacabka ay salaan iyo martiqaadba uga wadaan Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Mursal iyo Muudey ayaa u gogol-xaaraya kulanka uu Madaxweyne Farmaajo qorsheynayo in uu la qaato Madaxweyne-yaashii hore ee dalka, oo ay ku kala aragti duwan yihiin arrimaha siyaasadda ee dalka.

Bayaan ay toddobaadkii hore soo saareen Madaxda Madasha Xisbiyada Qaran ayay ku sheegeen, haddii doorashada waqtigeeda lagu qaban-waayo in wixii ka yimaada ay dusha u ridan doonaan Madaxda Dowladda Federaalka.

Faallooyin