Ra'iisal Wasaare Khayre oo dalka dib ugu soo laabtay (SAWIRRO)

Xasan Cali Khayre, Ra'iisal Wasaaraha Somaliya ayaa gelinkii dambe ee maanta dalka dib ugu soo laabtay, ka dib muddo sideed maalmood oo uu safar ku joogay dalka Qatar.

Mid ka mid ah Diyaaradaha Shirkadda Duulimaadyada ee Qatar Airways ayaa Ra'iisal Wasaaraha ka soo qaaday Magaalada Doha, iyadoona ka soo dejisay Garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.

Ra'iisal Wasaaraha oo afka u duubnaa ayaa waxaa Garoonka Aadan Cadde ku soo dhaweeyay masuuliyiin kala duwan, oo ay qayb ka yihiin Gudoomiye Kuxigeenada ee Maamulka Gobolka Banaadir.

Gaadiidka qufalan ee aysan rasaastu karin ayaa Ra'iisal Wasaare Xasan Cali Khayre loogu galbiyay hoyga uu ka degan yahay Qasriga Madaxtooyada Qaranka ee dalka looga arrimiyo.

Khayre ayaa 30-kii bishii June Magaalada Doha kula kulmay Ra’iisal Wasaare Kuxigeenka ahna Wasiirka Arrimadda Dibadda Qatar, Sheikh Mohammed bin Abdulrahman bin Jassim Al Thani. Labada masuul ayaa kulankaasi kaga wada hadlay xoojinta xiriirka soo jireenka ah ee labada dowladood, iskaadhiga dhaqaalaha iyo aminga.

Qatar ayaa ka mid ah dowladaha caalamka ee xiriirka wanaagsani uu kala dhaxeeyo Dowladda Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu hoggaamiyo. Qatar ayaa dalka ka fulisay mashaariicda horumarineed.

Faallooyin