Gud. Baarlamaanka Hir. oo sheegay in Xildhibaan Xuurshe uu is dayacay

Sheekh Cismaan Barre Maxamed, Gudoomiyaha Baarlamaanka Hirshabelle ayaa goor dhow ka hadlay weerarkii maanta lagu dilay Xildhibaan Maxamed Maxamuud Siyaad (Xuurshe), oo ka tirsanaa Baarlamaanka Hirshabelle.

Dagaal-yahano ka tirsan Ururka Al Shabaab ayaa gaari uu la socday Xildhibaan ku weeraray meel u dhow deegaanka Gololey oo hoos-tagta Degmada Balcad, xilli uu ka amba-baxay Magaalada Jowhar, kuna sii jeeday Magaalada Muqdisho.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Hirshabelle ayaa umadda Soomaaliyeed iyo qoyskii iyo qaraabadii uu ka baxayba Xildhibaan Xuurshe kaga tacsiyadeeyay geerida ku timid.

Dhanka kale Gudoomiyaha ayaa tilmaamay in Xildhibaanada ay Guddoonka Baarlamaanka soo ogeysiiyaan marka ay safarada geliyaan, hase ahaatee aanu Xildhibaan Xuurshe soo ogeysiin Guddoonka Baarlamaanka.

Gudoomiyaha oo la hadlay BBC ayaa muujiyay in Xildhibaan Xuurshe uu dayacay naftiisa, bacdamaa la fahamsan yahay in wadada Muqdisho iyo Jowhar ay nugul yihiin weerarada Al Shabaab.

Gudoomiyaha ayaa yiri "Runtii Xildhibaanka si kedis ah ayuu ku soo baxay. Xildhibaanada markii ay safar aadayaan Guddoonka ayay soo ogeysiiyaan, si ammaankooda loo suggo, si looga war haayo xaaladooda, laakiin Xildhibaankan runtii si kedis ah ayuu ku soo baxay. Gaari qaas ah ayuu soo qaatay, waxaana ka war helnay geeridiisa, wadadaasina waala isticmaalaa oo waala maraa, laakiin waxaad ogtahay kooxaha nabadiidka dalkan iyo caalamkaba khataraha ay ku hayaan, meel kasta ayay wax ka dhacaan, marka waxaan leeyahay waqtigiisa ayaa dhammaaday. Qofka haddii waqtigiisu dhammaadayna meeshii ay naftiisa ku baxeyso inuu taggo waa lagama maarmaan."

"Xildhibaankan anaga nooma soo sheegin safarkiisa. Xildhibaanada marka ay wadada soo marayaan ilaalo way soo raacdaa, oo ammaankooda waala suggaa, laakiin qofka asagaa masuul ka ah ammaankiisa, haddii uusan soo sheegin, oo uusan dhihin waan baxayaa ilaalo ayaan u baahanahay, haddee cid ma ogaan karto. Qof kale inta teleefan loo diro ammaankaaga ka waran qofka lama yiraahdo, asaa xogtiisa inuu soo gudbiyo laga rabaa."

Waa Xildhibaankii 3aad oo Baarlamaanka Hirshabelle ka tirsan, laguna dilo wadada xiriirisa Jowhar iyo Muqdisho, iyadoo sanadkii 2018 lagu dilay laba Xildhibaan oo ka tirsanaa Baarlamaanka Hirshabelle.

Faallooyin