Golaha Wasiirada oo ogolaaday in dib loo fasaxo duulimaadyada dalka

Shirka Golaha Wasiiradu maanta ay yeesheen oo uu shi guddoominayay Kusimaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Dalka, Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa lagu ogolaaday in dib loo furo duullimaadya gudaha, si loo fududeeyo isu socodka bulshada, iyada oo lagu dhaqmayo talooyinka xakameynta faafitaanka COVID-19.

Golaha ayaa dood dheer oo ay yeesheen kadib waxay cod aqlabiyad leh ku ogolaadeen in si taxadar leh dib loogu bilaabo duullimaadka gudaha maalinta Axadda ah ee taariikhdu tahay July 05, 202o, iyada oo maalintiiba ay Dowlad Gobaleedyada dalka tageyso hal diyaarad.

Shirka Golaha Wasiirada ayaa dhanka kale lagu meel mariyay Heshiiska Gaadiidka Badda ee Somaliya iyo Qatar iyo Hindise-sharciyeedka Summadaha Ganacsiga.

Golaha uaxuu sidoo kale ansixiyay is-afgarad ganacsi oo u dhaxeeya Somaliya iyo Suudaan, is-afgarad ku saabsan Samaynta Guddi Sare oo isku dhaf ah, oo u Dhaxeeya Somaliya iyo Qatar, is-Afgarad ku saabsan Machadka Diblomaasiyadda oo u dhaxeeya Somaliya iyo Qatar iyo is afgarad la xiriira wada-tashiga siyaasadeed ee qadiyadaha ay wada danaynayaan labada wadan ee Somaliya iyo Qatar.

Faallooyin