Madaxweyne Qoorqoor oo gaaray Degmada Balanbale (SAWIRRO)

Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) ayaa casir liqii galabta gaaray Degmada Balanbale ee Gobolka Galgaduud.

Wafdiga Madaxweynaha Galmudug oo ka amba-baxay Degmada Xeraale ee Gobolka Galgaduud, xalayna ku hoyday degmadaasi ayaa gelinkii dambe ee maanta si weyn loogu soo dhaweeyay Degmada Balanbale.

Maamulka Degmada iyo qaybaha kala duwan ee bulshada ayaa wafdiga Madaxweynaha Galmudug ku soo dhaweeyay Garoonka Kubadda Cagta ee Degmada Balanbale.

Madaxweynaha oo Garoonka kula hadlay dadweynaha ayaa sheegay in Degmada Balanbalee lagu qaban doono gogol dib u heshiisiineed, oo ay leeyihiin beelaha degga Galmudug.

Wasiirka Amniga Galmudug, Axmed Macalin Fiqi oo ka waramay soo dhawaynta wafdiga Madaxweynaha ayaa yiri "Soo dhawaynta Madaxweynaha Galmudug iyo wafdiga uu hogaaminayo ee jamaahiirta Balanbale waxay aheyd mid dhamaystiran, oo aan loo kala harin. Balanbale waa qalcadii difaaca dalka, waana degmo tiigsanaysa horumar iyo nabad waarta."

Madaxweyne Qoorqoor ayaa waxaa safarkan ku wehlinayay Madaxweyne Kuxigeenka Galmudug, Cali Daahir Ciid, Golihiisa Wasiirada qaarkood, Xildhibaano iyo Saraakiisha Ciidamada.

Faallooyin