Hachalu Hundessa oo lagu aasay Galbeedka Magaalada Addis Ababa (SAWIRRO)

Waxaa maanta dalka Itoobiya lagu aasay fannaankii qowmiyadda Oromada ka soo jeeday, ee habeenkii Axada lagu dilay Magaalada Addis Ababa ee Xarunta Wadanka Itoobiya.

Aaska Hachalu Hundessa ayaa maanta ka dhacay Magaalada Ambo, oo 100km dhinaca galbeed kaga toosan Magaalada Addis Ababa.

Kooxo hubeysan oo aan heybtooda la garanayn ayaa toogasho ku dilay Hachalu Hundessa, waxayna Saraakiisha Booliska xaqiijiyeen in falkaasi ay u soo qabteen laba qof.

Dilka fannaanka ayaa waxaa ka dhashay dibadbaxyo rabshado wato, oo ay ku dhinteen in ka badan 80 qof, saddexdii maalmood ee ugu dambeysay.

Wararka ayaa sheegaya in dilka fannaanka uu dalkaasi Itoobiya u horseeday xiisad siyaasadeed, mid qowmiyadeed iyo qalqal amni oo laga dareemay guud ahaanba dalkaasi.

Ciidamada Booliska ayaa xabsiga u taxaabay dad fara-badan, oo uu ka mid yahay Siyaasiga Mucaaradka, ee sida aadka ahi loo yaqaano ee Jawar Mohammed.

Dhanka kale waxaa maanta la adkeeyay ammaanka Magaalada Addis Ababa, iyadoo wadooyinka magaaladaasi lagu arkayo Ciidamada Militariga, ka dib markii laga dalbaday inay ka qayb qaataan suggida amniga.

Faallooyin