Cabdiraxmaan Faroole oo weeraray Madaxweyne Farmaajo

Senator Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Maxamuud (Faroole) oo ka mid ah Senatorada Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Somaliya ayaa sheegay inuu ka xun yahay meel-marinta Xeerka Metelaadda Gobolka Banaadir ee Aqalka Sare.

Waxaa uu sheegay in tallaabada lagu meel-mariyay Xeerka Metelaadda Gobolka Banaadir uu baal-marsan yahay Dastuurka Qaranka, sida uu yiri.

Senator Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed ayaa si kulul Madaxweynaha Somaliya iyo Gudoomiyaha Golaha Shacabka ugu eedeeyay inay iska kaashadeen ansixinta xeerkaasi, sida uu yiri.

Cabdiraxmaan Faroole, Madaxweynihii hore ee Puntland ayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya ku eedeeyay in uu hareer-maray Dastuurka Qaranka. Waxa uu intaa ku daray in Madaxweynuhu uu si cad u jebiyay Dastuurkii iyo Shuruucdii dalka, ee lagu soo doortay.

Cabdiraxmaan Faroole ayaa sodoo kale Madaxweyne Farmaajo ku dhaliilay inaanu aqoonsanaynba Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Somaliya, sida uu yiri.

Senator Faroole oo Warbaahinta kula hadlay Magaalada Garoowe ayaa wax nasiib-darro ah ku tilmaamay in Madaxweyne Farmaajo uu bambo ku dhex tuuray Aqalka Sare.

“Waxaa nasiib-darro ah, bambo in Farmaajo ku dhex tuuray Aqalka Sare, in Muqdisho oo uu afarta dhinac dhagaxyo kaga xiray, oo uu Jasiirad kaga nool yahay, qayb ka mid ah Degmadii Wardhiigley in uu dadka bambo dhex dhigo." Ayuu yiri Senator Faroole.

Faallooyin