Villa Somalia oo dadaal ugu jirto inuusan baaqan shirka Madaxweynaha iyo M/goboleedyada

Waxaa soo baxaya warar sheegaya in uu qarka u saaran fashil ku yimaada shirkii uu dhawaan Madaxweynaha Somaliya ku soo casuumay Maamul Goboleedyada.

Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Madaxda Maamul Goboleedyada ku soo casuumay inay yimaadaan Magaalada Muqdisho, halkaasoo uu ka furmi doono Shirka Amniga Qaranka, lana qorsheeyay in uu socdo 5-ta illaa 8-da bisha soo socoto ee Luulyo.

Maamulada Puntland iyo Jubbaland ayaa si weyn uga horyimid tallaabada ay Xildhibaanada Golaha Shacabka maalintii Sabtida ku meel-mariyeen Xeerka Metelaadda Gobolka Banaadir ee Golaha Aqalka Sare.

Xildhibaanada Baarlamaanka Puntland ayaa Axadii Madaxtooyada Puntland ugu baaqay inay cilaaqaadka u jarto Dowladda Federaalka.

Villa Somalia ayaa dadaal ugu jirto, sidii ay uga miro dhalin laheyd qabsoomidda Shirka Amniga Qaranka, oo sidoo kale ay dhinacyadu kaga hadli doonaan arrimaha doorashooyinka ee dalka.

Ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in Madaxtooyada Qaranka, ay juhdi ku bixineyso, sidii uu shirku uga qabsoomi lahaa Magaalada Muqdisho.

Bulshada qaybteeda ayaa su'aalo ka keentay sababta Puntland ay ugu ololeyneyso inaanu Gobolka Banaadir wax metelaad ahi xilligan ku yeelan Aqalka Sare.

Faallooyin