Xildhibaan Saleebaan Faarax oo ka hadlay sababta Puntland ku diiiday Metelaadda Gobolka Banaadir

Xildhibaan Saleebaan Faarax Ciise oo ka tirsan Xildhibaanada Baarlamaanka Puntland ayaa sharaxaad ka bixiyay sababta Xildhibaanada Baarlamaanka Puntland kaga horyimaadeen Metelaadda Gobolka Banaadir ee Aqalka Sare.

Xildhibaanada Baarlamaanka Puntland oo Axadii dood adag ka yeeshay 13-ka xubnood ee Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Somaliya uu haa ugu codeeyay in Gobolka Banaadir ku Metelaan Aqalka Sare ayaa tallaabadaasi si adag uga horyimid.

Xildhibaan Saleebaan Faarax oo marka hore ka hadlaya waxa ay doodoodu ku saabsaneyd ayaa yiri "Doodda Golaha Baarlamaanka Puntland waxay ku saleysneyd diidmo mooshinkii fowdada ahaa ee Golaha Shacabka ee Federaalka, sida sharci-darrada ah, awalna loogu geeyay, laguna ansixiyay iyo guud ahaan Baarlamaankan Federaalka ee muddo xileedkoodu dhammaaday ee hadda ka shaqeynaya, sidii ay ku soo laaban lahaayen darteed, xeerar waxyaabo uusan dastuurka u jeedinayn iyo habraacyo doorasho hadda raba inay khasab ku sameeyaan."

Isagoo la hadlayay BBC ayuu yiri "Caasimadda Muqdisho waa Caasimaddii Soomaaliyeed, cid diidan xuquuqdeeda ma jirto, balse Dastuurka ayay ku qeexan tahay Maqaamka iyo Metelaadda Caasimadda. Qodobka 9aad ee Dastuurka Federaalku wuxuu cadeynaya inay ku soo baxeyso dib u eegista Dastuurka, xeerna ay ku soo saarayaan Labada Aqal ee Baarlamaanka."

Mar uu ka hadlayay sababta ay xilligan ku diidan yihiin Metelaadda Gobolka Banaadir ayaa wuxuu yiri "Muqdisho waa gobol ka mida sideeda iyo tobanka gobol ee Somaliya. Aqalka Sare ee 54-ka Mudane ah wuxuu ku fadhiyaa sideeda iyo tobanka gobol ee dalka."

Wuxuu kaloo intaa ku daray "Waan sheegnay Muqdisho metelaadeedii waxay ku maqan tahay gobolo kale, oo hadda dadka u ololeynayo, ee sida dulmiga ah ku raadinaya baa ku fadhiya. Metelaaddii Muqdisho ee dhanka Aqalka Sare meesha ay jirto halaga doono."

Faallooyin